Mid kamid ah Saraakiisha Shabaab ee Bay oo Caawa Baydhabo lagu dilay
Published on June 2, 2012 by · No Comments
Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in caawa ciidamada dowlada KMG ay toogasho ku dileen sarkaal katirsan Shabaab-ka gobolka Bay.
Sarkaalkan Shabaab katirsan ayaa caawa ciidamada dowlada waxaa ay ku toogteen xaafadda Isha ee magaalada Baydhabo.
Dilka Sarkaalkan waxaa Caawa Warqaad.com usheegay Guddoomiyaha degmada Baydhabo ee maamulka gobolka Baay, Xasan Macallin Axmed (Biikole.
“Waxaa toogtay ciidamada dowlada isagoo qorshaynayay isku day dil oo uu ugaysan lahaa askari katirsan ciidamada dowlada”ayuu yiri Gudoomiyaha.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in ciidamada ay ka baxsadeen ilaa labo nin oo kale kuwaas oo la socday Sarkaalkan la dilay.
“Waxaa ay ahaayeen sedex kii hogaaminayay ayaan dilnay labadii kalana waa fakadeen waana ku raad joognaa”ayuu Biiko sheegay.
Amaanka Magaaladda Baydhabo ayuu sheegay in waayadan danbe uu soo hagaagayo.
WARARKII HORE
Muqdisho.24.May.2013 Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo Sudan Booqasho rasmi ah ku joogay ...
London.24.May.2013 Booliska Britain ayaa toogasho ku dhaawacay labo nin isbitaal ayayna ku xiran yihiin iyadoo midkood ay xaaladdiisu ...
Nairobi.24.May.2013 Tan iyo markii ay maxkamad Kenya ay ku xukuntay laba iiraaniyiin ah xabsi daa'in arrimo la xidhiidha ...
Muqdisho.23.May.2013 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ...
Muqdisho.23.May.2013 Shirkii golaha wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee joogtada ahaa oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ...
Nairobi.23.May.2013 Madaxwayne Uhuru kenyatta ayaa maaanta ku dhawaaqay labadii wasaaradood oo si aad ah loo sugayay .
Madaxwayne Kenyata ...
London.23.May.2013 Wadanka Ingiriiska ayaa waxaa si weyn loo hadal hayaa dilkii Arbacadii gelinkii danbe ka dhacay Xaafada Woolwich ...
Gaarisa.23.May.2013 Warbixin oo uu soo bandhigay guddiga runta, cadaalada iyo dib u hesheesiinta Kenya ee (TJRC) ayaa muujinaysa tacadiyadii lixaadka ...
Muqdisho.23.May.2013 Warqad ka baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, ayaa waxaa la gaarsiiyay Dowladda Ethiopia, taasoo ku saabsan ...
Kampala.23.May.2013 Wararka naga soo gaadhaya Deegaanka Ceel-huur ee Hoos tagtay Degmada Hobyo, ayaa sheegaya in Maleeshiyo hubeysan ay gudaha ...