Wednesday, June 19th, 2013

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub oo shil gaari ku dhaawacmay + Sawirro

Published on June 7, 2012 by   ·   No Comments

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadda ah Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa Xalay dhaawac fudud uu ka soo gaaray Shil gaari oo ka dhacay Magaalada Brussels ee Caasimadda Dalka Belgium-ka.

Xilliga uu shilka galayey Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxa uu ku sii jeeday shir ay lahaayeen Safiirada Dalalka Afrika ee fadhiya Brussels.

Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo sidoo kale ahaa Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa shilkan gaari ee uu ku dhaawacmay waxa uu yimid kaddib markii gaariga uu saarnaa iyo gaari kale ay isku dheceen, iyadoo sababta arrintaas keentayna aanan faah faahin dheeri ah laga bixin.

Wararka aynu ka helayno safaaradda Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa sheegaya in dhaawaca gaaray Danjire Nuur cadde uu yahay dhaawac fudud islamarkaana uu safiirka ka jabay Kalxanta haddana uusana qabin dhaawac halis ah.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa haatan waxaa lagu daweynayaa Isbitaalka ku yaala Magaalada Brussels ee Caasimadda Dalka Belgium-ka.

Readers Comments (0)




WARARKII HORE

budhcad

Warbixin Caalami Ah Oo Ka Hadlaysa Budhcad-badeedda Afrika

Kampala.18.June.2013 Warbixin uu soo saaray xafiiska caalamiga ah ee maraakiibta iyo badaha ee IMB, ayaa lagu muujiyey in ...
caaqilsaciid1

Maleeshiyada Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Caaqil Saciid Cashuur Abyan

Laascaanood.18.June.2013 Warar aa ka helayno magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in Maanta mar kale xabsiga la dhigay Caaqil Saciid ...
Drones

Kenya oo Adeegsanaysa Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn

Nairobi.18.June.2013 Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysay inay isticmaasho diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay uga hortagto weerarada Al-shabaab kusoo ...
Kismaayo16-300x208

Dagaal Ka Dhacay Magaalada Kismaayo

Kismaayo.18.June.2013 Magaaladda Kismaayo xiisad kacsanaan ah ayaa ka taagan kadib markii maleeshiyaad ay dhigteen isbaaro wado muhiim ah oo ...
dib-u-habaynta-tacliinta1

Shirka Tayaynta Waxbarashada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Muqdisho.18.June.2013 Shirweyne looga hadlayo horumarinta waxbarashada dalkeenna Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho. Shirwka oo ...
Qarax_Kismayo_1

AMISOM oo Qarax lagula eegtay Kismaayo(Sawirro)

Kismaayo.18.June.2013 Qarax xooggan ayaa xaafadda V-afmadow ee magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa ...
Dab-xero-Garoowe-300x184

Suuqa Gaarisa oo gubtay

Garisa.18.June.2013 Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa xalay ka kacay suuq ku yaalla degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ee ...
SUURIYA

Bariga Dhexe oo Ku Sugan Marxalad Adag

Kampala.17.June.2013 Bariga Dhexe wuxuu ku sugan yahay marxalad adag, waxaana maalmaha soo socda la filayaa haddaan ilaahay qaboojin ...
Maxaabiis_Kenyan_1

Al-shabaab Oo Soo Bandhigtay Askar Kenyan Ah(Sawirro)

Buula Burde.17.June.2013 Kooxda Shabaab ayaa soo bandhigtay hub iyo saraakiil ay ku sheegeen Kenyaan oo lagu soo qabtay ...
ciidan

Ciidanka Xooga Somalia oo Laga Talaalayo Cudurka Dabeysha

Muqdisho.17.June.2013 Wasaarada Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka xooga dalka Soomaaliya lagu sameynayo talaalka cudurka Booliyada si looga ...