Saturday, May 18th, 2013

Dastuurka oo maanta loo soo bandhigayo Culumaa’udiinka iyo Odayaasha dhaqanka

Published on June 16, 2012 by   ·   1 Comment

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho loogu soo bandhigo Odayaasha dhaqanka iyo Culumaa’udiinka Soomaaliyed Dastuurkii ay in muddo ah diyaarineysay dowladda.

Sida ay sheegayaan wararka Dastuurkan ayaa ah kii dambe ee aan horay loo soo bandhigin, balse diyaarintiisa aheyd mid marxalado kala duwan soo martay, waxaana horay u horay u jiray buuq badan oo qabyo qoraalkii hore Dastuurka ahaa.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in Dastuurka maanta la horgeyn doono Culumaa’udiinka, isagoo sheegay in Culimada ay xaq u leeyihiin in qodobadii Diinta wax u dhima inay ka saari karaan.

“Culimada maanta ayaa la horgeynaya Dastuurka, waxaa loo baahan yahay in qodobadii ay u arkaan inuu Diinta wax u dhimayo inay ka saaraan, muddo todobaad ayaa laga war sugayaa inay ku soo celiyaan, ayna iska soo fiiriyaan”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha oo intaa ku daray in howlihii Dastuurka uu gabo gabo marayo.

Inkastoo Wasaarada Dastuurka horay u iclaamisay in Dastuurka ay u soo bandhigeyso Odayaasha iyo Culumaa’udiinka 16-ka June oo maanta ku beegan, ayaa la ogeyn sida uu noqonayo Dastuurkan dambe.

Dastuur u sameynta Soomaaliya ayaa waxaa ka jiray muran badan oo ka imaanayay qeybaha bulshada Soomaaliyed oo ka biya diidanaa qodobo qaar ku jiray, hase ahaatee waxaa mar dambe la sheegay in qabyo qoraalkii hore uusan aheyn kii saxda ahaa.

Readers Comments (1)

  1. Amjgafadhe says:

    Waxaa mihiim ah wax kasta in loo bandhigo shacabka soomaaliyeed oo ay metelaayaan odayasha dhaqanka iyo culumo aw diinka.




WARARKII HORE

DSC04092

Shacabka Nairobi oo Wacdaro ka Dhigay 18 May (Daawo+Sawirro)

Nairobi.18.May.2013 Jaaliyadaha ka soo jeeda maamulka khaatumo awdal iyo maakhir ayaa si wayn u xusay maalinta nadaafada ee ay ...
hassan-11

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kahadlay Somaliland Iyo Jubaland (Warbixin+ Sawiro)

Muqdisho.18.May.2013 Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal ka jeediyey furitaanka xarun waxbarasho oo laga ...
yuyuyu

Maxamed Ibraahim Shakuul oo Hambalyo u diray Axmed Madoobe

Kismaayo.18.may.2013 Musharax Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka hadlay munaasabada caleema saarka hogaanka Jubbaland oo hada ka socotay hoolka shirweynaha ...
shiinaha

Daadad ku dhuftay Sagaal gobol oo ku yaala dalka Shiinaha

Bejing.18.May.2013 Daadad xoogan iyo dhul dilaac ka dhacay sagaal gobol oo ku yaala dalka Shiinaha ayaa waxaa ka ...
buuhoodle

Buuhodle oo Maalinta qashinka Si Wacan Looga Xusay 18 May (Daawo+sawiro)

Buuhoodle.18.May.2013 Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn ayaa waxaa Maanta Si balaadhan looga Xusay Munaasibada 18 May oo Gobolada ...
laascaanood1

Reer Laascaanood oo Udareeray Qashin Gurka 18 May Iyo Darenkooda(Daawo)

laascaanood.18.May.2013 Waxaa saaka magaaladda laascaanood lagu qabtay kulan daahfur maalinda nadaafadda deegaanadda khaatumo oo maanta oo kale si ...
jawaari

Gudoonka Baarlamaanka oo Casho Sharaf U Sameeyey Wafdi ka socda Jaamacadda Carabta [SAWIRO]

Muqdisho.18.May.2103  Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho casho sharaf ugu sameeyey wafdi ka socda Baarlamaanka Carabta ...
IGAD-logo

Wafdiga IGAD oo la kulmay Axmed Madoobe

Kismaayo.18.may.2013 Wafdigiii ka socday urur-goboleedka IGAD oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa barqadii maanta gaaray magaalada Kismaayo ee ...
xasan daaahir

Xasan Daahir Aweys Oo Ka Hadlay Khilaafka Al-shabaab

Muqdisho.17.May.2013 Xassan Daahir Aweys, oo kamid ah Saraakiisha Alshabaab ayaa waxa uu ka hadlay warar ay baryahaani qorayeen Warbaahinta ...
xaawo

Maxkamad Mareykanka ku taal oo Xukuntay Gabdho Soomaaliyeed

Muqdisho.17.May.2013 Maxkamada Federaaliga ee magaalada Mineabulis ayaa xukuno kala duwan ku riday Gabdho Soomaaliyeed oo lagu eedeeyey iney dhaqaale ...