Saturday, May 25th, 2013

Saxaafada Ingariiska Iyo Wararkii Ay Maanta Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Published on June 16, 2012 by   ·   No Comments

Saxaafada Ingariiska ee dhanka Isboortiga ah oo tan ugu afka dheer caalamka ayaa inta badan waxa ay ka hadlaan wararka xanta ah ee la isla dhexmarayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Maanta waxaan soo qaadan doonaa wararkii ugu waa weyn ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga:

Chelsea ayaa diyaar waxa ay u tahay inay Newcastle United ka hoos bixiso ciyaaryahanka daafaca midig ee kooxda Lille iyo xulka France Mathieu Debuchy, iyadoo haatan 26 jirkaan uu la maqan yahay xulkiisa qaranka Le Blues. Sidaasi waxaa qortay jariirada Daily Mirror.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Alberto Aquilani ayaan loo ogolaan doonin inuu burburiyo qandaraaskiisa Liverpool, lakiin Joe Cole ayaa la siiyay fursad labaad oo uu ugu ciyaaro Reds. Sidaasi waxaa qortay Metro.

Manchester United ayaa daawaneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Thiago Alcantara, inkastoo ay weli baadigoob ugu jiraan xiddiga Spurs Luka Modric. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.


 

Everton ayaa dooneysa 26 jirka reer Croatia Mandzukic, kaasoo ilaa iyo haatan ka dhex muuqda ciyaaraha Euro 2012. Sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.

Rajadii ay Manchester City ka qabtay inay la soo wareegto daafaca Milan Thiago Silva ayaa gabi ahaanba baaba’day ka dib markii kooxda Talyaaniga ay diiday dalab 37 milyan ginni ah oo ku aadan 27 jirkaas oo uga yimid kooxda Paris Saint-Germain. Sidaasi waxaa qortay Metro.

Michael Owen oo 32 jir ah islamarkaana ay iska fasaxday Manchester United ayaa go’aansaday inuu ku biiro Stoke City, inkastoo kooxda Everton ay xiiseyneyso. Sidaasi waxaa qortay Daily Express.

Arsenal ayaa hogaamineyso tartanka loogu jiro saxiixa 22 jirka kooxda Real Madrid Joselu. Sidaasi waxaa sheegtay Idaacada talkSport.

Chelsea ayaa dalabkii ay ku dalbatay 20 milyan ginni ciyaaryahanka 22 jirka kooxda Fiorentina Stevan Jovetic laga soo diiday, sida ay sheegayaan wararka. Sidaasi waxaa qortay Daily Star.

Readers Comments (0)




WARARKII HORE

HAWEENKA DARYEEL

Hooyooyin Lagu Xidh-xidhay Magaalada Laascaanood(Warbixin)

Laascaanood.24.May.2013 Ciidanka  magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xabsiga u taxaabay dad haween u badan oo ku sugnaa ...
jawaari

Jawaari”Ma Ogolaan Doono Mooshin Burburinaya Qaranimada”

Muqdisho.24.May.2013 Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxmed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo la hadlayay warbaahinta ku hadsha afka dowlada ayaa sheegay in ...
obama

Obama oo Isticmaalka DRONESka Ku Tilmaamay Mid Isdifaacid Ah

Washington.24.May.2013 Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay arinta Muranka badan dhalisay ee adeegsiga diyaaradaha Droneska,isagoona ...
niger

Weeraro Ismiidaamin Ah oo Ka Dhacay Dalka Niger Iyo Dad Badan Oo Ku Dhintay

Niamey.24.May.2013 Weeraro ismiidaamin ah ayaa waxay ka dhaceen xerooyin ciidamada meletariga ay leeyihiin oo ku yaala dalka Niger iyo ...
bashaAssad2012

Dowlada Siiriya oo Ogolaatay Wadahadalka Mucaaridka

Dimishiq.24.May.2013 Dowlada Siirya ayaa warar ay shaaciyeen lagu sheegay inay diyaar u yihiin shirka wadahadalka ee lagu wado ...
madaxda malawi

Dowladda Malawi oo Xaraasheysa Diyaaraddii uu ka geeriyooday Madaxweynihii hore(Sabab Waa Maxay)

Lilongwe.24.May.2013 Dawlada Malawi ayaa shaaca ka qaaday in ay iibin doonto diyaaradii Madaxweynihii hore ee dalkaas Bingu Wa Mutharika ...
Xagardheer_Dhadhaab-620x330

Dowlada Kenya oo dib u Furtay Diiwaan-gelinta Qoxootiga

Nairobi.24.May.2013 Xukuumadda Kenya ayaa dib u furtay diiwaan-gelinta dadka magan-galyo doonka ah ee dalkeeda galaya, kuwaas oo ay ku ...
IGAD-300x200

Wasiirada Arrimaha Dibedda IGAD oo Walaac ka Muujiyey Xaaladda Kismaayo

Addis Ababa.24.May.2013 Wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka urur goboleedka IGAD, ayaa ku booriyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ...
baladweyne2-300x216

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Ku dhaawacmay Qarax ka Dhacay Baladweyne

Beledweyne.24.May.2013 Laba askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa ku dhaawacmay qarax Miino oo maanta ka dhacay isgoyska ...
130523113204_woolwich_attack_304x171_itv_nocredit

David Cameron:UK marnaba Isu-dhiibimeyso Argagixiso

London.24.May.2013 Booliska Britain ayaa toogasho ku dhaawacay labo nin isbitaal ayayna ku xiran yihiin iyadoo midkood ay xaaladdiisu ...