Wednesday, May 22nd, 2013

TACSIDDA GEERIDDA HALYEEY QARAN-SH.MUKHTAAR MAXAMED XUSEEN.?

Published on June 16, 2012 by   ·   No Comments
    Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
  
 
Geeridu waa xaq aduunkana cidi kuma waareeyso-anigoo ah
Ustaad-Xassan Carab kuna hadlaaya codka Somaalida damiirka,
iyo Dareenka Wadaniyadeed,qaranimadda,gobanimadda iyo milgaha
iyo karaamadda ciida hooyo mudan tahay,waxaan halkan tacsi
tiiraanyadeda leh ugu gudbinaayaa guud ahaanba Ummada Somaliyeed
gaar ahaan Qoyskii,eheladii iyo qaraabadii Marxuum-Halyeey Qaran-
SH.MUKHTAAR MAXAMED XUSEEN oo ku geeriyoodeey Magaalada
Neyroobi Kenya.


SH.MUKHTAAR wuxuu ka mid ahaa shakhsiyaad tirada yar oo si weyn
loogu yaqiineey dhaqanka Islaamka,Dareen Wadaniyadeed,Daacadnimo,
Xilkasnimo,xaq soor,dul-qaad,run sheegida,Dal jeceylka iyo hab
iyo hanaan wanaag shaqo-Sh.Khutaar wuxuu ahaan jiray Afyaeenkii
ama Gudoomiyihii Barlamaanka Somaaliyeed xiligii dowladii Marxum-
Madaweyne-halyeey-Dr-C.Rashiid Shaarmarke(68/69-kii)awooda kala
Wareegeen Ciidamadda Qalabka Siday 21/Ok-69-kii(Dilk Dr-C/Rashiid
kadib.

Marxuum-Halyeey Qaran-Sh.Mukhtaar waxaa lagu tilmaamaa inuu
ahaa Gudoomiyihii Barlamaan Somaaliyeed yeesho ninkii ugu karti
iyo xilkasnimo wanaagsanaa,sidoo kalle Marxuumku wuxuu ka mid ahaa
dhalinyaradii dareenka xoriyad doon iyo aragtida gumeeysi diidka
ku gaashaanaa door weyna ka soo ciyaaray faafiinta wacyiga xalaasha
ah(Xoriyad u halganka)inkastoo dadka somaaliyeed xasuustaan 13-kii
Halyeey ee SYL iyo Halyeey-C/Laahi Ciise balse waxaa jiray geesiyaal
badan oo dahsoon door weyna ka soo qaaday halgankaas(hadii eey noqon
laheyd dhanka wacyi gelinta bulshada,abaabulka dadka,qoraalada iyo
gudbinta fariinta halganka iyo adeegisiga suugaantaba).

Waxaan Raxmaanka ka tuugaayaa inuu Marxuum-Halyeey-Qaran-Sh.Mukhtaar
Janadda ka waraabiyo,qoysi,eheladii,qaraabadii iyo guud ahaanba Ummadda
Somaaliyeed(dhammaanteen) samir iyo iimaan inaga siiyo-aamiin,aamiin.

-Geeridu Waa Xaq-
-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-
-sharifhassan50@hotmail.co.uk
-Jun-12-2012.

Readers Comments (0)




WARARKII HORE

mad

Axmed Madoobe oo IGAD ugu baaqay inay si Cadaalad ah uga hadasho Arrimaha Jubba-land

Kismaayo.21.May.2013 Axmed Madoobe, oo ah Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Jubba-land, ayaa waxa uu Baaq u diray Madaxda Sare Ururka IGAD, ...
127

Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyada Xukuumada( Warbixin+SAWIRO)

Muqdisho.21.May.2013 Kulanki maanta ee baarlamaanka oo ay soo xaadireen 155 mudane ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa gudoomiye ku ...
nairubi_1

Booliiska Kenya Oo Ka Hadlay Nin Iyo Xaaskiisa Oo Ay Dileen(Warbixin+Sawiro)

Kampala.21.May.2013  Ciidamada Amaanka Dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi ku toogtay Nin iyo Xaaskiisa oo looga shakisanyahay in ee ...
Afhyeenka-AMISOM-Col-Cali-Adan-Xumud

AMISOM Oo Ka Hadashay Hawlgalkii Muqdisho ay Ka Sameeyeen

Muqdisho.21.May.2013 Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ayaa ka hadlay howlgalo ciidamada Booliiska AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya maalintii labaad ...
Obama_burmes1

Obama oo ka codsaday Burma inaan lagu Xadgubin Muslimiinta

Kampala.21.May.2013 Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in xukuumada Burma looga baahan yahay sii deynta maxaabiis u xeran ...
Toogasho1-300x20322

Haweeney labo Askari ku Dishay Kismaayo

Kismaayo.21.May.2013 Haweeney hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan tahay maleeshiyada Kornayl Barre Adan Shire (Barre Hiiraale) ayaa ...
Mark Simmonds

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Britain Oo Su’aalo Somaliya Ku Saabsan Lagu weydiiyay Twitterka(Akhriso)

London.21.May.2013 Wasiirka Afrika ee Xafiiska Arrimaha Dibadda ee dowladda Britain, Mark Simmonds, ayaa galabta si toosa uga jawaabay su’aalo ...
Handshake-300x199

Nin Somali ah Oo diiday in uu Salaan ka Qaado Haweenay Uu U Shaqaynayay oo Magdhow la siiyay

London.21.May.2013 Maxkamada Trollhättan Ee Swededn ayaa go’aamiyay in lacag gaareysa 30.000kr la siiyo nin Soomaali ah oo diiday in ...
RW-Shirdoon-II-300x225

RW Saacid Oo La Xisaabtan Bilaabay(Warbixin)

Muqdisho.21.May.2013 Markan fadhiga ayuu ka kacay waxaa uu bilaabay inuu Siyaasadda gudaha iska soo dhiso, waxaa uu kulamo Siyaasadeed ...
khaja

Ururka Weriyayaasha KHAJA Oo Cambaareyay Xadhigii Ceerigaabo Loogu Gaystay Weriye taraafiko

Nairobi.20.May.2013 Kadib Markii Ciidamada Maleeshiyadka Somaliland ay Xabsiga U taxaabeen Wariye Madax banaan Oo Lagu Magcaabo Axmed Yuusuf Taraafiko oo kamid ...