Wednesday, May 22nd, 2013

Ciidamada Dowladda oo Rasaas kufuray Taageerayaasha Musharax Farmaajo(Sawiro)

Published on August 9, 2012 by   ·   No Comments

Dad dibadbax ku dhigayay magaalada Muqdisho islamarkaana taageersanaa Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya waxa ay ku fureen rasaas.

Dadkan oo xilliga rasaasta lagu furayay ku lugeynayay agagaarka Sayidka ee Magaalada Muqdisho halkaasi waxaa rasaas khasaaro geysatay ku furay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ilaa hal ruux ayaa lagu soo waramaya inuu geeriyooday taasi oo sababtay rasaasi ay fureen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Lama garanayo sababta ciidamada dowladda ay rasaasta ugu fureen dadka dibadbaxa dhigayay kuwaasi oo dareenkooda ku muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin imaatinka Maxamed C/laahi Farmaajo iyo musharaxnimadiisa.

Wariyaheena muqdisho oo goobta dibadbaxa ku sugan ayaa soo sheegaya in ciidamada rasaasta markii ay fureen kadib ay kala yaaceen durba dadkii dibadbaxa dhigaya maadaama ay ka cabsadeen in khasaaro badan rasaasta ay kasoo gaarto.

Dibadbaxa ayaa ilaa hada socdo dadkuna waxa ay ku socdaalaayan wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

daawo sawirada

Xafiiska Wararka Muqdisho Ee Allceerigaabo

allceerigaabo@hotmail.com

allceerigaabo@gmail.com

Readers Comments (0)




WARARKII HORE

13692

AMISOM oo sheegtay in ciidamada Kenya aysan ka weyneen awaamiirta taliska AMISOM

Kampala.22.may.2013 Iyadoo ciidanka Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose lagu eedeynayo inay si ...
Akbar Hashemi Rafsanjani

Madaxweynihii hore ee Iran oo loo Diiday inuu Dib isu soo Sharaxo

Kampala.22.May.2013 Mid kamid ah hogaamiyaashii hore ee dalka Iran ayaa laga hor joogsaday inuu markale isu soo taago ...
Baarlamaanka-300x225

Baarlamaanka oo ka Dooday Mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’iisal Wasaare Saacid

Muqdisho.22.May.2013  Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta u madlanaan iney  codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi ...
Annadif-iyo-Shirdoon-300x199

Ra’iisal Wasaare Saacid oo la Kulmay Danjire Annadif(warbixin+sawiro)

Muqdisho.22.May.2013 Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo wakiilka Midowga Afrika ...
Ciidanka-dowladda-300x225

Ciidamo gadoodsan oo xidhay Beled-Xaawo

Beledxaawo.22.May.2013 Ciidamo gadoodsan ayaa maanta xidhay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, sida uu sheegay taliyaha ciidanka ee degmada, Cabbey ...
mad

Axmed Madoobe oo IGAD ugu baaqay inay si Cadaalad ah uga hadasho Arrimaha Jubba-land

Kismaayo.21.May.2013 Axmed Madoobe, oo ah Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Jubba-land, ayaa waxa uu Baaq u diray Madaxda Sare Ururka IGAD, ...
127

Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyada Xukuumada( Warbixin+SAWIRO)

Muqdisho.21.May.2013 Kulanki maanta ee baarlamaanka oo ay soo xaadireen 155 mudane ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa gudoomiye ku ...
nairubi_1

Booliiska Kenya Oo Ka Hadlay Nin Iyo Xaaskiisa Oo Ay Dileen(Warbixin+Sawiro)

Kampala.21.May.2013  Ciidamada Amaanka Dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi ku toogtay Nin iyo Xaaskiisa oo looga shakisanyahay in ee ...
Afhyeenka-AMISOM-Col-Cali-Adan-Xumud

AMISOM Oo Ka Hadashay Hawlgalkii Muqdisho ay Ka Sameeyeen

Muqdisho.21.May.2013 Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ayaa ka hadlay howlgalo ciidamada Booliiska AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya maalintii labaad ...
Obama_burmes1

Obama oo ka codsaday Burma inaan lagu Xadgubin Muslimiinta

Kampala.21.May.2013 Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in xukuumada Burma looga baahan yahay sii deynta maxaabiis u xeran ...