BAAQ:- Dhammaan aqoonyahannada, waxgaradka, culamaaudiinka, haweenka, dhallinyarada rag iyo dumar ee Jaaliyadaha Qurbjoogta Khaalid Habarwaa..
ee Dhulbahante ee Maamulka Khaatumo ee Soomaaliya ee ku kala dhaqan Dalka Maraykanka iyo Canada, Europe, Carabaha waxay taageerayaan go’aankii taariikhiga ahaa ee uu ku dhawaaqay Suldan Saciid Cisman Cali ee ahaa innuu si buuxda u taageersan yahay Jiritaanka maamul Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya iyo hawlaha dhaxalgalka ah ee Isimmada Dhulbahante ay ugu adeegayaan danaha shacabka gobollada SSC ee Dawlad Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya.
- Iyadoo la tixgalinayo duruufta adag, dagaallada iyo weerarrada joogtada ah ee cadawgu ku hayo dadka reer SSC iyo dawladdooda Khatumo State of Soomaliya,
- Iyadoo maanta ay lagama maarmaan tahay inay dadka reer SSC mideeyaan cududdooda, caqligooda iyo agabkooda una jiheeyaan difaacidda qoysaskooda iyo ubadkooda,
- Iyadoo la ilaalinayo taariikhda soo jireenka ah, sharafta, karaamada iyo yuhuunta dadka ku dhashay gobollada SSC;
- Iyadoo aynu cuskanaynu tiirarka iyo qiyamka diinta Islaamka ah ee uu ku salaysan yahay dhaqanka soo jireenka ah dadka ree SSC;
Waxay Jaaliyadaha Qurbajoogta Khaalid Habarwaa ku boorinayaan Suldaan Siciid Cismaan inuu labalaabo hawlaha shacabka SSC iyo madaxdoodu kaga soo horjeedaan cadawyada ka xiga labada dhinac laguna dhisayo Maamul Goboleedka Khaatumo iyo midnimada Dhulbahante.
Waxa kale oo Jaaliyadaha Qurbajoogta Khaalid Habarwaa ku ballan qaadayaan iyo dhinac socda Isimmada, odayaasha G10 iyo Madaxda maamulkaba kana mid ah shacabweynaha Dhulbahante inay si buuxda uga qaygqaadayaan difaaca Maamul Goboledka Khaatumo Soomaaliya iyo ilaalinta nabadda shacabka ree SSC.
Haddaannu nahay Jaaliyadaha Khaalid Habarwaa waxaan Suldaan Siciid ugu ducaynaynaa in ILAAHAY siiyo cumri –dheer, aakhirana dambigiisa iyo kii waalidiintiisaba dhaafo.
Guul shacabka reer SSC..Guul Maamulka Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya
Wixii faahfaahin ah kala xiriira:
Jaaliyadaha Qurbajoogta Khaalid Habarwaa
Shabel.ahmed@gmail.com