Ku: Dr. Hussein Suleiman Haji Ahmed
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah
OG: Golaha fulinta Dawlad Goboleed Khaatumo Soomaaliya.
OG: Forumka Arrimaha Debedda ee Dawlad Goboleedka Khatumo ee Soomaaliya.
RE: Codsi Oggolaanshaha Khatumo Forum
Annagoo tixgalinayna marxaladda adag ee ay marayaan gobollada Sool, Sanaag,iyo Cayn (SSC) iyo Dawladdooda Khatumo State of Somalia iyo baahida loo qabo in qurbajoogta SSC inay mideeyaan cududdooda, caqligooda iyo awooddoodaba.
Annagoo jecel in aannu ka tarjuno yuhuunta iyo rabitaanka dadka gobollada SSC ee Khatumo State of Somalia.
Annaga oo u aragna in loo baahan yahay in la abuuro jawi iskaashi iyo wada shaqayn ku salaysan oo ka dhexeeya Guddiyada Jaaliyadaha Qurbajoogta ee Dawlad Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya. Taasoo xaqiijinaysa midnimadooda, korna u qaadaysa tayada waxqabadkooda.
Waxa lagama maarmaan noqotay in la isku xiro wada shaqaynta Khatumo Forum for Foreign Affairs iyo Guddiyada Jaaliyadaha Qurbajoogta Khaatumo State of Somalia. Waxa markhaati madoonta ah in Forum-kan oo horey loo odhan jiray Commssion-ka oo ilaa markii lagu abuuray shirkii Khatumo-one ee London uu ku hawlanaa difaaca iyo ka hortagga been abuurka ay Soomaaliland iyo Puntland ku faafinayeen madasha siyaasadeed ee caalamka, ayna kaga soo horjeedeen rabitaanka dadka gobollada SSC iyo dawlad Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay u heellanaayeen danaha iyo u adeegga dadka u dhashay gobollada SSC iyo majaraha siyaasadeed ee Dawlad Goboleedka Khatumo ee Soomaaliya.
Sidaas darteed, Shir ay yeesheen Guddiyada Jaaliyadaha Qurbajoota Khaatumo waxay ku falanqeeyeen hawlaha Forum-ku soo qabtay, waxayna isla garteen inay si buuxda u taageeraan, wada shaqaynna la yeeshaan Khatumo Forum for Foreign Affairs kaas oo uu guddoomiyaha ka yahay Cisman Xasan Xaaji Cumar (Cisman Badawi).
Waxa kale oo shirkaas lagu go’aansaday in la ballaadhiyo xubnaha Forum-ka una furan yahay qofkasta oo danaynaya horumarka Khatumo, isla marakana aqoon u leh hawlaha forum-ku u qabanayo khaatumo.
Ugu dambayntii, waxaannu wasiirka ka codsanaynaa inuu sidaas noola qaato hawlahaas, tallabada ku haboonna ka qaado meelmerinteeda.
Wada Shaqayn Wacan
Gudiyada Jaaliyadaha Qurbajoogta ee Dawlad Goboleedka Khaatumo ee Soomaaliya.