Wednesday, May 22nd, 2013

Midawga Afrika Oo Sheegay Inay Daacad Ka Ahaanayaan Doorashada Soomaaliya

Published on August 17, 2012 by   ·   1 Comment

Ururka Midowga Afrika ayaa sheegtay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya aysan wax faragelin ah ku sameyn doorashada madaxnimo ee Soomaaliyaaa, taasoo lagu wado inay dhacdo maalinta Isniinta ah ee soo socota, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay dib u dhici karto.
Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka ururka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya oo hadalkan sheegay ayaa intaas ku daray in AMISOM ay gacan ka geysanayso oo keliya sugidda ammaanka Muqdisho inta ay doorashadu socoto.

“Murashaxiinta waxaan ku dhiirrigelinaynaa inay diiradda saaraan sidii ay wax uga bedeli lahaayeen mustaqbalka dalkooda, ayna u soo celin lahaayeen nabadda iyo sharciga,” ayuu yiri Wamunyinyi.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay inaysan u ogolaanayn in doorashada faragelin looga sameeyo dibadda, isagoo inay rajo weyn ka qabaan in doorashadu ay dhacdo bishan Ogoosto 20-keeda oo horay loo iclaamiyay.

“Ciidammo dheeraad ah oo AMISOM ka tirsan ayaa Muqdisho la geeyay si ammaanka caasimadda ay u xaqiijiyaan inta ay doorashadu socoto,” ayuu Wafula hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Waa markii ugu horreysay oo sarkaal ka tirsan Midowga Afrika uu sheego inaysan wax faragelin ah ku sameyn doonin doorashada madaxnimo ee Soomaaliya oo ay u taagan yihiin in ka badan 25-murashax iyo kuwo kale oo wada inay murashaxnimadooda ugu ku dhawaaqmaan maalmahan.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan in ka badan 15,000 oo askari oo AMISOM ah kuwaasoo ka socda dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, Burundi iyo Sierra Leone, waxayna caawiyaan dowladda KMG ah

allceerigaabo@gmail.com

allceerigaabo@hotmail.com
.

Readers Comments (1)

  1. Gustavo says:

    cabdullaahi nuur ducaale comtenmed on Ayaansan.com | Ayaansan Times:Dan qaran ha ka doonin dawlad caamil ah caalamka aan kunoolahay waxaa soo maray taariikh kala duwan,waxaana taariikhda loo bartaa in laga faa,iideeysto,laguna cimri qaato,shalay wixii dhacay iyo waxa ay noqotay natiijadeeda,ma aha markii ugu horeeysay aduunka umad leh dhul iyo xuduudo layaqaan,akasoo dhexbaxaan dad u dhashay dalkaas kana dhashay dadkaas in ay noqdaan caado qaatayaal aan iimaan lahayn kuna tunta sharafta iyo karaamada umadaas iskuna daya, in ay sandareerto dhaafsadaan umadooda,ayna isku dayaan in ay u dabraan cadawgooda,waana tan maanta iyo shalayba heeysatay umada soomaaliyeed oo ah umad ay cadaw u noqdeen dariskooda, iyo wadamadii ugu waaweynaa caalamka, laakiin waxaan xasuusinayaa umada soomaaliyeed, kuwa biiro qaatayaasha iyo cadawgeena oo ay ugu horeeyso qaramada midoobay oo magac ahaan caalamka kulmisa laakiin ah shirkad ay ku danaystaan in yar oo ay ka maqantahay aadminimada iyo karaamada dhabta ah ee lagu garto umadyoowga sharafta leh, in caalamkan uu leeyahay ilaah uuna abaal marin doono,tusaale waxaa idiinku filan oon idin xasuusinayaa afrika waxaa lagu qaybsaday baarliin, jawaabta ilaah ka bixiyayna waxeey noqotay in baarliin qaar kamid ah kuwii wax ku qaybsaday in ay qaybsadaan waana dulmigii ay casuuntay,taasi iyo tu ka xun waxaa dhaxal u helidoona kuwa maanta dhulkooda u ogalaaday in cadaawada umada soomaaliyeed lagu go,aamiyo,tusaale xarunta qaramada midoobay, xarunta igad iyo meel waloo loo fariisto shirqoolada lagu wado soomaaliya iyo soomaalidaba,kuwa sheeganaaya dawladnimada ee caamilka ahna waxeey mudan doonaan carada ilaah, ama diinta baro ama mid caamo ahba ahoow,soomaalidu waa masaakiin, ay dilootay dibin daabyada cadaawaha aan nixin, laakiin waxeey leeyihiin alle u gargaara,waxaan u mahad celinaayaa ra,isal wasaaraha sharciga ah ee heeysta codka dadkiisa mudane farmaajo waxaana hubaa sida umada soomaaliyeed kuu jeclaatay in illaah kuu jecelyahay,waxaana leeyahay aadmigu waa ku adagtahay in uu gaaro darajadaada oo kale,waxaana kaaga tacsiyeeynayaa waxa kugu qabsaday, magaaladaad ku dhalatay, waxaana ku leeyahay rag wax walba waa qabsadaan ku samir jacaylka dadkaaga, sheekh shariif waxaan kula talinayaa ilaah wuxuu ku baray cilmigiisa umada soomaaliyeedna aad ayeey kugu sharaftay,ha hilmaamin aaqiradaada waxaa tahay kii ka wacdin lahaa umada wixii u xun qiyaamahooda walaal isku noqo isku day inaad ku dhowaato illaah aadna ka dooran rabi gaal aan dad u hayn diintaada dadnimadaada iyo qiyaamahaaga, xataa waxaan kugula talinayaa inaad xaqa u dhimato waayo aduunka waa maalmo tirsan aaqirana waa danbeeysaa, wax waloo qaldana waad garan kartaa, shariif xassan waxaan ugu duceeynayaa in illaah iiimaankiisa hagaajiyo kana saaro xumaha uu ku dhex jiro, ilaahna garansiyo in uu u toowbadkeeno asaga iyo inta lamid ahba




WARARKII HORE

13692

AMISOM oo sheegtay in ciidamada Kenya aysan ka weyneen awaamiirta taliska AMISOM

Kampala.22.may.2013 Iyadoo ciidanka Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose lagu eedeynayo inay si ...
Akbar Hashemi Rafsanjani

Madaxweynihii hore ee Iran oo loo Diiday inuu Dib isu soo Sharaxo

Kampala.22.May.2013 Mid kamid ah hogaamiyaashii hore ee dalka Iran ayaa laga hor joogsaday inuu markale isu soo taago ...
Baarlamaanka-300x225

Baarlamaanka oo ka Dooday Mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’iisal Wasaare Saacid

Muqdisho.22.May.2013  Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta u madlanaan iney  codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda uu hogaaminayo R/wasaare Cabdi ...
Annadif-iyo-Shirdoon-300x199

Ra’iisal Wasaare Saacid oo la Kulmay Danjire Annadif(warbixin+sawiro)

Muqdisho.22.May.2013 Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa  xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo wakiilka Midowga Afrika ...
Ciidanka-dowladda-300x225

Ciidamo gadoodsan oo xidhay Beled-Xaawo

Beledxaawo.22.May.2013 Ciidamo gadoodsan ayaa maanta xidhay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, sida uu sheegay taliyaha ciidanka ee degmada, Cabbey ...
mad

Axmed Madoobe oo IGAD ugu baaqay inay si Cadaalad ah uga hadasho Arrimaha Jubba-land

Kismaayo.21.May.2013 Axmed Madoobe, oo ah Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Jubba-land, ayaa waxa uu Baaq u diray Madaxda Sare Ururka IGAD, ...
127

Baarlamaanka oo Ansixiyey Miisaaniyada Xukuumada( Warbixin+SAWIRO)

Muqdisho.21.May.2013 Kulanki maanta ee baarlamaanka oo ay soo xaadireen 155 mudane ayaa waxaa shir gudoon ka ahaa gudoomiye ku ...
nairubi_1

Booliiska Kenya Oo Ka Hadlay Nin Iyo Xaaskiisa Oo Ay Dileen(Warbixin+Sawiro)

Kampala.21.May.2013  Ciidamada Amaanka Dalka Kenya ayaa Magaalada Nairobi ku toogtay Nin iyo Xaaskiisa oo looga shakisanyahay in ee ...
Afhyeenka-AMISOM-Col-Cali-Adan-Xumud

AMISOM Oo Ka Hadashay Hawlgalkii Muqdisho ay Ka Sameeyeen

Muqdisho.21.May.2013 Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ayaa ka hadlay howlgalo ciidamada Booliiska AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya maalintii labaad ...
Obama_burmes1

Obama oo ka codsaday Burma inaan lagu Xadgubin Muslimiinta

Kampala.21.May.2013 Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in xukuumada Burma looga baahan yahay sii deynta maxaabiis u xeran ...